Somali News

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo kulan la qaatay Wasiirka Difaaca

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dhismaha Wasaaradda Gaanshaandhigga kula kulmay Wasiirk Difaaca Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta warbixin ku aadan Howlgalada Ciidanka Xoogga Dalka ka wadaan dhamaan Gobalada dalka ka dhageestay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

Waxaana uu sheegay in Ciidanka XDS guulo wax ku ool ah ka gaareen hawl galada ka dhan ah kooxda nabad diidka ee baneystay hantida iyo dhiiga umadda soomaaliyeed.

Ciidamada Dowladda ayaa Howlgallo waxaa ay ka wadaan Gobollada kala duwan ee dalka waxaana ay dagaal kula jiraan dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ee la dagaalsan Ciidanka Dowladda iyo AMISOM.

 

Back to top button