Somali News

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo sheegay in 25 ka mid ah Al shabaab ku dileen duleedka Afgooye

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jenraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka hadlay howlgal ay Ciidamada Dowladda Fdeeraalka ah ka sameeyeen sohdinta Gobollada Shabeellaha hoose iyo Shabeellaha dhexe.

Holwgalkan oo ka dhacay Jiinka Wabiha Shabeelle gaar ahaanna deegaannada u dhaxeeya Degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan labada shabeelle ayaa la sheegay in lagu dilay xubno ka mid ah Al shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in howlgalladaas ay ku dileen 25 ka mid ah Al shabaab sidoo kalena ku dhaawaceen toban kale.

Deegaannada ay Ciidamada Dowladda howlgalka ka fuliyeen ayaa waxaa ay kalayihiin Deegaanka Jambaluul oo u dhow Degmada Afgooye iyo Deegaanka Daniga Baallow oo u dhow Degmada Balcad.

Taliyaha ayaa sheegay in ay sii soconayaan howlgallada noocaan ah ee ka dhanka ah al shabaab islamarkaana laga fulinayo labada shabeelle.

Back to top button