FeaturedSomali News

Taliyaha cusub Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Villa Somalia oo xilkii la wareegay (Sawirro)

Taliyaha cusub ee ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ayaa maanta xilka la wareegay, kadib markii taliyihii hore uu noqday abaanduulaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Munaasanadda waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha- Qarshe)waxaana xilka la wareegay taliyaha cusub ee loo magacabay Ururka  60-aad  ee ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya, taasoo ka dhacday xarunta taliska Ururka 60-aaad ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa la hadlay saraakiisha, saraakiil,xigeenada, allifleyda iyo dableyda Ururka 60-aad ee ciidanka ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya, isagoona ku ammaanay shaqada ay u hayaan Bulshada iyo madaxda Dalka.

“Ururkaan waxaa uu kamid yahay ururada ugu fiican Ciidanka Xoogga Dalka, waxaan rabaa in miisaanka aad leedihiin aad sii muujisaan, waana idinku amaanayaa howshiina”ayuu yiri taliyaha.

Tags
Back to top button
Close
Close