FeaturedSomali News
Taliyaha guud ee Millateriga Soomaaliya, oo sheegay in ay laayeen 7 katirsan Al-shabaab.

Ciidanka millateriga Soomaaliya ee Danab ayaa howlgal qorsheysna oo ay Isniintii maanta ka fuliyeen degaanka Leego ee gobolka Shabeellada Hoose, waxay ku dileen dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo ka warbixiyey howlgalkaas ayaa sheegay in ciidamada Danab ay deegaanka Leego ku dileen todoba dagaalame oo ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab.
Taliyaha guud ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, ayaa sheegay in ragga ciidanku laayeen dadka reer miyaga ah ka qaadi jireen xoolahooda.