Somali News

Taliyaha Ilaalada Deegaanka Xamar oo ka badbaaday isku day dil

Taliyaha Ilaalada Deegaanka Xamar ayaa saaka ka badbaaday isku day dil kaddib markii Gaari uu leeyahay qarax lagula meegsaday Degmada SHibis.

Weerarka oo ka dhacay Agagaarka Isgoyska Nasiib Buundo ayaa waxaa ku dhaawacmay saddex ka mid ah Ilaalada Taliyaha kuwaas oo ay waxyeello ka soo gaartay Qaraxa.

Taliye Carabow ayaa ka badbaaday weerarkaas Miinada ahaa ee la geliyay jidka dhinaciisa iyada oo ay waxyeello soo gaartay ilaalada Taliyaha.

Qaraxyada Miinooyinka ayaa ku soo kordhay Muqdisho iyada oo inta badan lala beegsado Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Back to top button