FeaturedSomali News

Taliyaha Xoogga Dalka oo tegay degaano ay Ciidamada Dowladda ka qabsadeen kooxda Alshabaab (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) iyo Saraakiil uu hoggaaminayo ayaa kormeeray degaanka Dhannaane ee Gobolka Shabellada hoose oo dhowaan ay ciidamada ka qabsadeen kooxda Alshabaab.

General Daahir Aadan Cilmi ayaa mid mid u kormeeray Difaacyada Ciidamada Xoogga Dalka, wuxuuna Halkaasi ku dhiira geliyay Ciidamada Howlgalada ka wada deegaanka Dhannaane. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kula hadlay jiida hore ee dagaalka deegaanka dhannaane, isagoona sheegay in dhawaan Al-shabaab laga saari doono dalka.

General Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa bogaadiyay sida geesinimada ah ay Ciidamada Xoogga Dalka ay u fuliyeen Howlgalka deegaanka Gandarshe lagu xureeyay, isagoona tilmaamay in nabad diidka Howlgalkaasi lagu gaarsiiyay qasaaro xooggan

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Indha-qarshe waxa uu ka hadlay dhibaatada nabadiidka Al-shabaab ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed,iyadoo Halkaas lagu soo bandhigay hub lag furtay Kooxda Argagixisada Al-shabaab.

S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada laga xureeyay Al-shabaab ugu Baaqay in ay la shaqeyaan Ciidamada Xoogga Dalka.

Tags

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Close