Somali News

Taliyayaal iyo Askar loo xiray dilkii Guddoomiye Dhagajuun

Hay’adaha amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in 9 Qof oo ka mid ah Booliska Soomaaliya loo xiray dilkii xalay loo geystay Guddoomiyihii degmada Hodan C/Kariin Dhagajuun.

Dadka la xiray waxaa ka mid ah Taliyayaashii Saldhigyada Waaberi iyo Howlwadaag iyo 7 Askari oo lala xiriirinayo weerarka lagu dilay Guddoomiyaha.

Shuceyb oo ah taliyaha booliska saldhigga degmada Howlwadaag iyo Mooshin oo ah taliyaha booliska saldhigga degmada Waaberi iyo todobo Askari ayaa loo xiray falkii xalay lagu qaarijiyay guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Dhagajuun.

Hay’adaha amaaanka ayaa sheegay in dadkaasi la xir xiray loo gudbinayo hay’adaha garsoorka dalka si maxkamad loo horgeeyo islamarkaana loo waafajiyo sharciga.

Dilka Guddoomiyaha Hodon oo bilo ka hor ka badbaaday qarax lagu xiray Gaarigiisa ma jirto cid sheegatay,waxaana Maamulka Gobolka Banaadir uu u saaray guddi baara.

Back to top button