Somali News

Taliye ka mid ah Milatariga Soomaaliya oo Al shabab siiyay $3,600!

Warbixin uu baahiyay machadka amaanka wax ka qora ee Hiraal ayaa lagu sheegay in Al shabab ay ka dakhli badanyihiin Dowladda Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu xusay in Al shabab ay bishiiba hesho $15Milyan oo doolarka Mareykanka ah.

Lacagtaas waxaa ay Ku labanlaabantaa lacagta ay bishiiba Canshuurahaan u hesho Dowladda Soomaaliya.

Dadka lacagahaas laga qaado waxaa ka mid ah Ganacsatada kala duwan, Shaqaalaha iyo mas’uliyiinta Dowladda qaarkood oo amaankooda dartii lacagtaas isaga bixiya.

Taliye ka mid ah Milatariga Soomaaliya ayey warbixintu xustah in uu Al shabab siiyay $3,600 oo doollar si loo dhameystiro Guri uu ka dhisanayay Muqdisho.

Taliyaha oo amaankiisa dartii loo qariyay magaciisa ayaa sheegay in loo sheegay in Guriga laga duminayo haddii uusan lacagtaas bixin, Injineerkiina diiday sii wadidda Guriga.

Warbixinta waxaa kale oo ay shaacisay in mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Dowladda isku furtaan mushaarkooda qeyb ka mid ah si loo nabadgeliyo sidaasna Al shabab Ku helaan lacago badan.

Waxaa kale oo warbixintalagu sheegay in Al shabab Ganacsiyada waaweyn ka qaaddo 2.5% faa’idada ganacsiga sanadkiiba sidoo kalena Zakada u dheertahay.

 

Back to top button