Somali News

Taliye ku xigeenka Ciidanka Lugta oo la kulmay Macaawisley is abaabushay

Taliye ku xigeenka ciidamada lugta Soomaaliya S/G Xuseen Xoosh Cali oo maanta kormeer shaqo ku tagay deegaano hoos taga Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb halkaas oo ay ku sugan yihiin dhallinyaro is abaabushay oo macawislay ah oo u diyaarsan in ay la dagaalamaan  Al-shabaab.

Taliyaha ayaa dhiira galin u sameeyay ciidamada is abaabulay ee ku suganaa deegaanadii uu maanta booqday wuxuuna u balan qaaday in ay dowladu ku garab siin doonto howsha ay wadaan oo ah la dagaalanka cadawga.
Kormeerkan waxaa Taliyaha ku wehliyay, Saraakiil ka tirsan Qaybta 21-aad, Maamulka Degmada Dhuusamareeb oo uu horkacayay Duqa Degmada Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow iyo Masuuliyiin kale.

Back to top button