Somali News

Taliye ku xigeenka Ciidanka xoogga oo ka badbaaday isku day dil.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed  Cabaas Amiin ayaa ka badbaaday isku day dil kadid markii uu kolanyo uu la socday qarax lala beegsaday.

Taliyaha iyo kolonyada uu watay ayaa qaraxa lagula beegsaday Waddada ka timaadda Tarabuunka ee KM4 waxaana halkaasi ka dhashay khasaare Nafeed oo gaaray Ciidamadii la socday.

Inta la xaqiijiyay laba ka mid ah ilaaladiisa ayaa ku dhintay weerarkaas oo uu isaga ka badbaaday,waxaana waddadan sidaas oo kale horay qarax loogula beegsaday Taliyaha Ciidanka Asluubta.

Waddadan oo ay horay u degganaayeen Safaaradaha Qadar iyo Turkiga ayaa dhawaan la furay kaddib markii ay labada safaaradoodba ka guureen.

 

Back to top button