Somali News

Taliye Xijaar: “C.I.D waxaa ka shaqeeya 100 sarkaal oo qeybta dambi baarista ah”

Taliyaha Booliska Soomaaliya Cabdi Maxamed Xijaar ayaa sheegay in ay tababareen saraakiil badan oo Boolis ah kuwaas oo dhinaca garsoorka loo tababaray.

Waxaa uu sheegay in Xarunta C.I.D-da kaliya ay ka shaqeeyaan ku dhawaad boqol sarkaal oo gudah iyo dibadda ku waxbartay islamarkaana qeybta garsoorka iyo dambi baarista ka shaqeeya.

Waxaa uu sheegay in Booliska uu yahay halka ay ka billaabato caddaaladda maaddaama qofka dacwada qaba uu Maxkmaadaha ka hor tago saldhigyada Booliska.

Xijaar ayaa intaas ku daray in markii hore ay saraakiil xigeenno qaban jireen galdacwadeedyada hayeeshee hadda saraakiil sar sare loo tababary qabashada gal dacwadeedyada.

Ugu dambeyn Taliye Xijaar ayaa bahda garsoorka dalka ugu hambaleeyay in sanadkii la sii dhaafay ay wax wanagasan u qabsoomeen sida uu sheegay.

Back to top button