Somali News

Taliye Xijaar oo heegan geliyay Booliska

Ciidanka Booliska ayaa lageliyey heegankii ugu sareeyey, waxaana hogaanka ciidanka la faray in 100% ay diyaar garoobaan oo ay feejignaadaan.

“Dhammaan Hoggaamada iyo Fadhiyada Ciidanka Boliiska waxaa lagu wargelinayaa in ay heegan buuxa galaan, heegankaas oo ah 100%, laga bilaabo maanta oo ah 24/02/2021 ilaa 03/03/2021, Heeganka ka sokow waxaa leydin amrayaa inaad muujisaan feejignaan dheeri ah maadaama lagu jiro xilliga doorashada lana filan karo in cadowga uu ka faaiideysto si uu u abuuro khalkhal amni-darro” ayaa lagu yiri qoraalka loo diray higaanka Booliska.

Qoraalka ayaa intaas lagu daray “Sidaas darteed, waxaad ku Talagashaan in uu jiri doono kormeer ay Madaxda Sare ee Boliiska ku bixin doonaan Fadhiyada iyo Xeryaha Ciidanka Boliiska oo loogu kuurgelaayo sida uu u dhaqangaley Heeganka”.

Back to top button