Wadani.com: Covering All Somali News. Views and Analysis
Featured Somali News

Taliyihii Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA oo si lama filaan ah xilkii isaga casilay

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya (NISA)  Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa iska casilay xilka agaasimaha Hay’adda, sida ay shaacisay NISA.

Agaasimaha NISA ayaa Warqadiisa iscasillaada u gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana warar qaar ay sheegayaan inuu isu sharxayo xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

“Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya  (NISA) Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13/10/2018,sababo isaga u gaar ah owgeed waraaqihiisa iscasilaada u gudbiyey Mdaxweynaha JFS,” ayaa lagu yiri qoraal ay faafisay NISA.

Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa Xilka Taliyaha Nabad sugida loo magacaabay 19/2/2018,markaasi oo ay Golaha Wasiirada ay meel mariyaan magacaabista Taliyeyaasha Nabad sugida,Booliska iyo Ciidanka Asluubta.

Related posts

Ra’iisal wasaare Kheyre oo Warbixinta Qorshaha Deyn cafinta ka dhageysatay Wasaaradda Maaliyadda (Daawo)

Wadani Media

Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Somalia oo si kulul u beenisay in Korontadii laga goostay [Akhriso]

Wadani Media

Wasaaradda Warfaafinta: “Dab yar ayaa qabsaday keydka waxaana soo gaaray qasaaro yar” [Sawirro]

Wadani Media

Golaha Wasiirada Somalia oo kulan aan caadi ahayn la yeeshay Golaha Dhaqaalaha Qaranka (Sawirro)

Wadani Media

Madaxweyne Farmaajo oo Amar ku saabsan Qaraxyadii Muqdisho siiyey Taliyeyaasha Ciidamada (Sawirro)

Wadani Media

Shirkadda Kenya Airways oo Duulimaad Maalinle ah ka bilaabeysa Garoonka Aden Adde ee Muqdisho

Wadani Media