Somali News

Tallaalka Covid19 ee Soomaaliya oo laga dejinayo Garowe

Maamulka Puntland ayaa sheegay in Tallaalka Covid19 ee la keenayo dalka Todobaadka soo socda la geynayo Magaalada Garowe ee Xarunta Dowlad Goboleedka Puntland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland  Cabdirisaaq Xirsi Xasan; ayaa xaqiijiyay in Puntland ay leedahay goobaha lagu keydiyo Daawada sidaas darteedna halkaas la dhigayo.

In ka badan 300,000 oo qof tallaal loogu tala-galay, ayaa sida qorshaysan la keeni doona caasimadda Garoowe todobaadka dambe, sida laga soo xigtay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdirisaaq Xirsi Xasan.

Tallaalkaas oo haatan ku diyaarsan magaalada Nairobi, waxa la qorsheeyay in uu Puntland soo gaaro 24-25 bishan March, iyadoo Garoowe noqon doonta halka kowaad ee laga bilaabo tallaalka COVID-19.

Back to top button