Somali News

Tallaalka Covid19 oo maanta ka billaabanaya Soomaaliya

Tallaalka Caabuqa Covid19 ayaa maanta oo Talaado ah ka billaabanaya Soomaaliya iyada oo lagu hormarayo shaqaalaha Caafimaadka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Fawsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in dadka la xanuunsan Cudurrada halista ah, Shaqaalaha Caafimaadka iyo dadka da’da ah maanta loo billaabayo tallaalka.

Wasiir Fawsiya waxaa ay sheegtay in qorshuhu yahay in la tallaalo 20% dadka Soomaaliyeed kuwaas oo u dhigma ilaa saddex Milyan oo qof oo Soomaali ah.

Waxaa ay Wasiirad  Fawsiya sheegtay in Tallaalka uu hadda bilaash ku soo gaaray mid kale oo bilaash ahna uu soo socdo iyada oo sheegtay in haddii ay Soomaaliya awooddo iibsan doonto Tallaalka Covid19.

Back to top button