Somali News

Tallaalkii ugu horreeyay ee Covid19 oo soo gaaray dalka,Sawirro

Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray Diyaaradda wadda Tallaalkii ugu horreeeyay Covid19 kaas oo ay dalka soo gaarsiisay hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Sida ay sheegtay dowladda Imaanshaha iyo Hirgelinta Tallaalka Covid-19 Tallaaka COVID ee Oxford/Astraženeca oo ah tiradisa 300,000 waxa uu gaari doonaa shaqaalaha safka hore ah iyo dadka kuwa ugu nugul Mogadishu.

“Dadaallada lagu badbaadinayo dadka Soomaaliyeed xilligan uu jiro cudurka safmareenka ah ee coronavirus (Covid-19) ayaa xoogeystay maanta xilli uu dalka soo gaaray tallaal tiradisu yahay 300,000, looguna talagalay shaqaalaha caafimaadka ee safka hore ku jira iyo dadka kuwa ugu nugul ay xaaladdooda caafimaad liidato sida ay ku taliyeen guddiga qaran ee kahortagga COVID-19 si loo xakameeyo loona yareeyo dhimashadda kadhalatay xanuunka COVID-19” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Ujeeddada COVAX waa in la dadajiyo horumarinta iyo soo-saarista tallaalka COVID19, iyo in la xaqijiyo in dal walba oo caalamka ka tirsan uu si siman oo caddaalad ah u heli karo Talaalka Dowladda Federaalka ee Soomaaliyaa waxay si joogta ah wada haddalo iyo dadaal ugu jirtaa si loo kordhiyo qoondada tallaalka COVID-19 loona gaarsilyo bulshada inteeda badan.

“Tallaalka Covid-19 waxaa uu yimid xilli Soomaaliya wajaheyso ladagaalanka soo laba kacleynta cudurka Covid-19, waxaana lagu xakameyn karaa oo keliya markaan dhammaanteen iskaashanno. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan shaqaalaha Daryeelka Caafimaadka iyo dadka kale ee mudnaanta loo siiyay qeybta kowaad ee tallalka in ay qaataan tallaalka si aan u ilaalinno shaqaalaheena caafimaadka, shaqaalaha kale ee safka hore ku jira iyo dadka halista badan qaba” ayay tiri Wasiirka Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Fawziya Abiikar Nur.

May be an image of outdoors

May be an image of one or more people and outdoors

May be an image of 2 people and people standing

 

Back to top button