Somali News

Tigrey oo ku hanjabtay in ay duqeyneyso Jigjiga

Hoggaamiyayaasha Gobolka Tigrey ee dagaalka kula jira Dowladda Itoobiya ayaa ku gooddiyay in ay beegsan doonaan Magaalada Jigjiga.

Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Mustafa Cagjar ayaa sheegay in ay Taleefanka uga hanjabeen Maamulkiisa haddii uusan joojin taageerada Maamulka Abiye Axmed.

Qoraal uu bartiisa Facebook ku daabacay ayaa u dhignaa.

“Naf lacaarigii TPLF waxaad moodaa in durba lawiiqay awooday kufaanayeen oo afka uun ay kaga hadhay waxayna gordhowayd iigasoo handa deen talefonka iyago ileh waxaan rabnaa inaad nalashaqayso oo aad kahadho abiye ama aad naga dhex baxdo
hadaad diidana sida ereteria iyo bahardar aanu bur burinay ayaan adigana deegankaga gantaalo ugu ubur burinaynaa taasina waa madhacdo wayna iska yidhaahdane
Hadana dadkaygow maxaa talo ah oo inala gud boon.”

Back to top button