FeaturedSomali News

Tillaabo kale malla qaadikaraa, haddii Farmaajo ra’iisal wasaare magcaabi waayo ? | Akhri xogtan.

 

Muddo kabadan 50 maalmood, ayuu weli bannaan yahay xafiiskii uu iska casilay raysal wasaare Xasan Cali Khayre oo aan lasoo magcaabin raysal wasaarihii beddeli lahaa.

Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, oo lagu eedaynayo kutumasho sharci ayaa ilaa wakhtigaas ka warwareegaya in uu soo magcaabo raysal wasaare sharciya oo soo dhisa xukuumadda sii wadda hawla qaranka ee baylahda badani ka muuqato.

Qaar kamida sharci yaqaannada dalka, ayaa tilmaamay hal tillaabo oo laqaadi karo haddii uu madaxweynuhu maalmaha soo socda  s magcaabi waayo raysal wasaare.

 

Abuukaate Zakariye Yuusuf oo kamida khuburada sharciga, ayaa sheegay in loo baahanyahay in baarlamku soo saaro go’aan uu ku amrayo madaxweynaha; si uu usoo magcaabo raysal wasaare beddela Xasan Cali Khayre oo u sharaxan xilka madaxweynaha Soomaaliya doorashada 2020 -2021.

 

Muddadii uu xafiiska ka maqnaa Khayre, waxaa  siweyn u xumaatay xaaladdii amni ee dalka, shaqadii xukuumadda, ku dhaqankii dastuurka iyo isla xisaabtankii dawladnimo. Waxaana la hubaa in kutumashada sharciga iyo boobka hantida dadweynuhu ay gaari doonto halka ugu sarraysa haddii aan deg deg loo magcaabin raysal wasaare sharciya.

Back to top button