Somali News

Tiradii ugu badneyd oo 24 saac gudaheed u geeriyootay Covid19

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo bandhigtay tirada dadkii 24kii saac ee la soo dhaafay u geeriyootay Caabuqa Covid19.

Warbixinta Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ee maalin laha ah ayaa waxaa 24kii saac ee la soo dhaafay ka soo muuqday dhimashada 18 qof iyo in kiisaska la helay ay gaareen 244 qof.

Kiisaska cusub ee la diiwaan galiyay waxaa ugu badan Puntland oo laga la helay 144 kiis, waxaana kusoo xiga Somaliland oo laga helay 45 kiis.

Gobolka Banaadir oo horay u ahaa meesha ugu badan ee kiisaska Covid-19, hadda waa ka yar yahay sidii hore, waxaana laga helay 29 kiis oo cusub.

Wasaaradda caafimaadka ma sheegin dadka u dhintay cudurka meelaha ay kala joogaan, balse maalin kasta tacsida dadka u dhinta cudurka ayaa laga dareemaa baraha bulshada.

Back to top button