Somali News

Toogasho ka dhacday degmada Baardheere

Koox hubeysan ayaa dhaawac u geystay Habti dhowraha Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Cabdirashiid Cabdiqaadir Warsame oo ku sugnaa mid ka mid ah xaafadaha Magaalada Baardheere ayaa waxaa weeraray rag hubeysan kuwaas oo rasaas huwiyay.

Dhaawac ayaa kasoo gaaray weerarkaas waxaana la dhigay goob caafinaad oo ku taalla magaalada.

Kooxda isku dayga dilka geysatay ayaa waxaa ay ka baxsadeen goobta iyada oo toogashada kaddib ay halkaas tageen Ciidamada amaaanka.

Baaritaano ay sameeyeen ayeysan jirin cid ay ku soo qabteen oo lala xiriirinayo weerarka loo geystay Hantidhowraha Baardheeere.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuiyadda weerarkaas hayeeshee waxaa lala xiriirinayaa dhaq dhaqaaqa Al shabaab ee ka dagaallama deegaankaas.

Back to top button