Somali News

Trump oo mar kale u gefay Soomaaliya iyo Ilhaan Cumar.

Madaxweyanaha Waddanka Mareykanak Donalf J.Trump ayaa aflagaaddo kale u geystay Soomaaliya iyo Xildhibaannad Ilhaan Cumar.

Isaga oo Ku guda jira ololahiisa doorashada ayuu aflagaaddeeyay Soomaaliya.

Taageerayaashiisa Gobolka Florida ayuu ka hor sheegay in Soomaaliya ay tahay waddan aan dowlad lahayn sidoo kalena qatar badan.

Waxa kale oo uu Ilhaan Ku sifeeyay qof sharci darro Ku soo gashay Mareykanka.

“Ilhaan Cumar, sharci darro ayey Ku soo gashay dalkeena, waxaa ay guursatay walaalkeed si ay u imaato Mareykanka, waxa ay ka timid meel aan dowladi ka jirin” ayuu yiri Trump oo ka hadlayay Florida.

Waxa kale oo uu sheegay in Ilhaan ay necebtahay Waddanka Mareykanka, Pelosi oo ah guddoomiyaha Aqalka wakiillada Mareykanka ayuu sidoo kale Ku tilmaamay qof aan u naxeyn Mareykanka.

Gobolka Menissota ee ay matasho Ilhaan ayaa afti laga qaaday muujisay inaan laga rabin Trump taas oo ka careysiisay kuna eedeeyay in ay its ka dhaqeysay.

Ilhaan ayaa dhalashada Mareykanka qaadatay sanadkii 2000 iyada oo laga qaaday Xerada Dhadhaab ee Gobolka Soomaalida ee ay maanusho Kenya.

Back to top button