Somali News

Trump oo 276 weerar ka fuliyay Soomaaliya,warbixin

Hay’ad fadhigeedu yahay dalka Biritan oo diiwaangelisa dadka rayidka ah ee ku waxyeellooba colaadaha laguna magacaabo Airwars ayaa sheegtay in weerarrada uu Maraykanku qaaday xilligii uu talada hayey Madaxweyne Donald Trump ay aad uga badnaayeen waqtiyadii madaxweynayaashiii ka horreeyey ee Barack Obama iyo George W. Bush.
Airwars oo wax ka qorta waddamada Soomaaliya, Libya, Syria, Iraq, Yemen, Afganistan iyo Pakistan waxay sheegtay in maamulkii Trump uu Soomaaliya ka gaystay 276 weerar oo cirka ama dhulka ah intii u dhaxaysa 2017-kii ilaa 2021-ka, waxayna sheegtay in weeraradaas 205 ka mid ah rasmi ahaan loo shaaciyey.
Taas marka la barbardhigo xilliyadii ay talada hayeen Obama iyo Bush ayey hay’addu sheegtay in Soomaaliya Maraykanku ka gaystay 67 hawlgal. Waxay sheegtay Airwars in xilligii Trump uu maamulku dabciyey xeerarkii u yaallay hawlgallada milatari ee Maraykanku Soomaaliya ka gaysanayey sida ay qortay jariidadda New York Times.
Waxay sheegtay in sannadkii hore ee 2020-ka inkastoo uu jiray xanuunka Covid-19 haddana ay Somaaliya ka dhaceen 54 duqaymood.
Airwars waxay sheegtay in duqaymaha Soomaaliya ay yaraadeen muddadii u dhaxaysay 17-ka May ilaa 9-ka Juulaay 2020-ka, waxayna taas la xiriirisay xanuunka Covid-19.
Waxay sheegtay Airwars in ka sokow tirada badan ee duqaymaha inay hoos u dhaceen dadka rayidka ah ee lasoo sheegayo inay waxyeelladu kasoo gaartay sida ay diiwaangelisay hay’addaasi.
Sidoo kale hay’addani waxay sheegtay in hawlaglada wadajirka ah ee ay qaadayeen Maraykanka iyo ciidamada Soomaalida ay u ekaayeen dagaallo rigliga ah.
Back to top button