Somali News

Trump oo amray in Ciidanka Mareykanka laga saaro Soomaaliya

Madaxweynaha Mareykanka Donald J.Trump ayaa amar Ku bixiyay in Ciidamada Mareykanka ah ee jooga Soomaaliya laga saaro.

Waaxda Difaaca Mareykanka ee the Pentangon ayaa xaqiijisay in Trump uu dalbaday in Ciidan kiisa laga saaro Soomaaliya.

Kulan uu Trump la qaatay lataliyihiisa Amaanka Robert O’Brien, wasiirka Gaashaandhigga Mark Esper iyo Taliyaha Ciidanka isku dhafka ah ee Mareykanka Mark Milley ayuu kagala hadlay.

Wasaaradda difaaca ayaa sheegtay in ay diyaarineyso fulinta qorshaha Madaxweynaha.

Siyaasiyiinta Xisbiga Dimuqraadiga ayaa arrintan ku tilmaamay fududeyd uu madaxweyanaha ku kacayo, waxaana ay sheegeen in go’aankan uu fursad siinayo Al shabab.

Haddii qorshahan sidiisa fuliyo waxaa uu meesha ka saarayaa 700 Askari Mareykan ah kana howlgala Soomaaliya.

Trump ayaa todobaadkan sheegay in Ciidamada Mareykanka ah ee jooga Afghanistan ay dalkaas ka baxayaan bisha December taas oo loo arko olole doorasho oo uu Ku jiro.

Dadka Mareykanka ayaa 3da November dooranaya Madaxweyanaha Mareykanka waxaana Ku tartamaya Trump iyo Biden.

Back to top button