Somali News

Trump oo amray in sida ugu dhaqsiyaha badan Ciidanka Mareykanka uga baxaan Soomaaliya

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyay in Ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya degdeg loo saaro.

Amarka Trump oo ay wasaaradda difaaca la wadaagtay warbaahinta ayaa waxaa uu farayaa in 40maalmood gudahood ay Ciidamada Mareykana uga baxaan Soomaaliya.

Bixitaanka Ciidanka Mareykanka ayaa ku beegan shan maalin ka hor xil wareejinta Trump.

Wareegtada uu Trump ku amray in Ciidanka Mareykanka guud ahaan kaga baxaan Soomaaliya ayaa waxaa ku qoran in 15ka January 2021 ay Ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya dib u gurasho sameeyaan islamarkaana la isugu geeyo Muqdisho kaddibna isaga baxaan soomaaliya.

Trump ayaa sheegay in faragelinta shisheeye ee Ciidamada Mareykanka aysan waxbadan soo kordhin kharash badanna uu kaga baxay Mareykanka.

Ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya ayaa tiradooda lagu sheegay 700 Askari kuwaas oo tababara Ciidamada DANAB mararka qaarna la howlgala.

 

Back to top button