FeaturedSomali News

Trump, oo sheegay in aanu nabad ku wareejinayn xilka.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay in aanu si nabad ah ku wareejin doonin doorashada xilka doorashada dhacaysa bisha November ee soo socota.

Wuxuu ka biyo diidsanyahay codaynta qaabka boostada ah oo uu sabab u yahay cudurka Covid-19.

 

“Hagaag, waa in dhammaanteen aan ka dhuursugnaa waxa dhici doonaa” ayuu yiri madaxweyne Donald Trump oo shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad.

 

Wuxuu rumeysan yahay in natiijada doorashada ay ku dambeyn doonto gacanta maxkamada ugu sarreyso dalkaas xilli uu shaki ka muujinayo codeynta dhanka boostada.

 

In badan oo kamid ah gobollada Mareykanka waxay ku baaqayaan in doorashada ay ku dhacdo qaabka codeynta boostada si shacabka looga badbaadiyo cudurka safmarka ah ee Koroona.

 

 

Trump, ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyay Maraykanka ah oo hadalka ku hanjaba isaga oo xilka haya.

Back to top button