Somali News

Trump oo Soomaaliya ku tilmaamay dal Argagixiso

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trumpb ayaa mar kale aflagaaddeeyay Soomaaliya.

Mr Trump ayaa sheegay in maamulkiisa uu Mareykanka ka hor istaagay in ay tagaan Dadka Qaxootoga ah ee ka socda dalalka Argagixisada sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu yiri ” Maamulkeyga waxaa uu Mareykanka ka joojiyay dadka Qaxootiga ah ee u dhashay dalalka Argagixisada sida Syria, Soomaaliya iyo Yemen”.

Waxaa kale oo uu raaciyay in Joe Biden oo ah musharraxa la tartamaya uu doonayo in Gobolka Soomaalida ku badantahay ka dhigo meel Qaxootiga la dejiyo 700% sida uu yiri.

Saddex Maalmood oo kaliya ayaa ka dhiman doorashada Mareykanka waxaana ku tartamaya Madaxweyne ku xigeenkii Brack Obama, Joe Biden iyo Madaxweynaha hadda talada haya ee Donald Trump.

Trumo ayaa afartii sano ee uu hayay talada Mareykanka marna aflagaaddada ka joojin Soomaaliya isaga oo dagaal kula jira Ilhaan Cumar.

Back to top button