Somali News

Turkiga oo ka hadlay weerarkii xalay ka dhacay Muqdisho

Dowladda Turkiga ayaa cambaareysay weerar loo adeegsaday Mooto laga buuxiyay walxaha qarxa oo ka dhacay Maqaayadda Luul Yemeni ee Magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku dhinteen 20 qof.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda turkiga ayaa waxaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin qaraxaas oo ay ku dhinteen 20 Ruux oo isugu jira shacab iyo Askar iyo dhaawaca 30 kale, isla markaana ay ka tacsiyadeeynayaan dadki ku dhintay qaraxaas
Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkan foosha xun ee argagaxiso waxaanan tacsi u direynaa shacabka walaalaha ah iyo Dowlada Soomaaliya. Waxaan u rajeynaynaa naxariista Eebbe korkiisa kuwa naftooda ku waayey,waxaana u rajeeyneynaa caafimaad deg deg ah kuwa dhaawacmay, Waxaan mar kale carrabka ku adkeyneynaa inaan sii wadi doonno garab istaagga dadka walaalaha ah e Soomaaliya ee dagaalka ay kula jira argagixisada ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay Turkiga.
Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxaas ay ku dhinteen 10 Ruux 30 kalena ay ku dhaawacmeen, waana markii labaad ee qarax lagu weeraro Maqaayada Luul Yemeni, waxaana mas’uuliyada qaraxa sheegtay Al-Shabaab, iyaga oo sheegay inay la beegsadeen Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Back to top button