FeaturedSomali News

Turkiga, oo kasoo horjeestay xiriirka Carabta iyo Israel

Dowladda Turkiga, ayaa cambaareysay heshiiska u bilaabmay Baxreyn iyo Isreal, waxaana wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Ankara ay sheegtay in heshiiskan uu dhibaato weyn ku yahay qadiyadda Falastiin.

“Waa talaabo kale oo Isreal ku dhiirigelinaysa in ay sii waddo ficillada sharci darrada ah ee ka dhanka ah Falastiin, waana arrin ka dhigaysa dhulka Isreal gumeysiga ku heysato in ay sii joogaan,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.

 

Turkiga ayaa si adag uga hor yimid xiriirka diblomaasiyadeed ee carabta iyo Isreal dhex maraya oo uu dillaal ka yahay Madaxweynaha Mareykanka Donal Trump, oo doonaya in ay si buuxda Isreal uga mid noqoto Gobolka bariga dhexe.

Back to top button