FeaturedSomali News

Turkiga, oo sheegay in uu garab taaganyahay Falastiin oo kasoo horjeedda heshiiska Imaradka iyo Israel.

Wasiirka umuuraha Dibadda ee Dalka Turkiga, ayaa sheegay in dawladdiisu ay soo dhawaynayso kulan maalinimadii shalay khamiista ahayd dhexmaray  Madaxweynaha reer Falastiin Maxamuud Cabaas iyo hoggaanka qeybaha Bulshada falastiiniyiinta ee gudaha iyo dibadda.

Kulankaan ayaa looga hadlay sidii looga hortagi lahaa qorshayaal lasheegay in Israel  ay ku dooneyso in ay la wareegto deegaano hor leh oo katirsan dhulka Faslastiin. Kulanka,waxaa qadka Internetka kaga qeybgalay Madaxda ku sugan Ramallah iyo Beirut.

 

 

War-murtiyeed ka soo baxay Wasaaradda Umuuraha  Dibadda ee Turkiga ayaa lagu sheegay in dawladda uu hoggaamiyo Erdogan ay ahmiyad iyo mudnaan siinayso howlaha dib-u-heshiisiinta iyo dhiirigelinta qadiyadda reer Falastiin.

Warbixin, waxaana intaas la raaciyay inTurkigu uu sii wadi doono  dhiiri gelinta dadaalka loogu jiro gaaritaanka midnimada iyo wadajirka dhinacyada Falastiiniyiinta.

 

Maamulka Falastiin iyo bulshada rayidka iyo  kooxaha Islaamiyiinta, ayaa cambaareeyay heshiiska Imaaraatka iyo Israa’iil, waxayna sheegeen inuusan u adeegeynin qadiyadda Falastiin. Isla markaan dhinacyada heshiiyay ay iska indo Tirayaan  xuquuqda Falastiiniyiinta.

Back to top button