Somali News

Turkiga oo Soomaaliya ka taageeraya maalgashiga

Dowladda Turkiga ayaa ballan qaaday in Dowladda Soomaaliya uu ka taageerayo dhinaca Maalgashiga.

Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Danjire Mehmet Yilmaz, ayaa kusoo booqday Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha Danjire Gamal M. Hassan, Xarunta Wasaaradda. Waxaa laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa Xiriirka iskaashi ee labada waddan, gaar ahaan kan maalgashiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlan sare u qaadista maalgashiga shisheeye guud ahaan, gaar ahaan maalgashiga Turkiga ee Soomaaliya.

Waxaa wasiirka ku weheliyay shirka Agaasimaha waaxda Dhiirigelinta Maalgashiga (SOMINVEST) Mudane Mohamed Dubo.

Back to top button