Somali News

Turkiga oo tababaray 3/1 Ciidanka Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa markii ugu horreysay faahfaahisay Ciidamada ay u tababartay Soomaaliya tan iyo furitaankii Saldhigga ugu weyn Adduunka ee uu Turkigu ku leeyahay meel ka baxsan dalkiisa.

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mehmat Yilmaz, ayaa wareysi uu siiyay AA waxaa uu ku sheegay in 3dii Askari ee Soomaali ah uu midkood tababaray Turkiga.

Waxaa uu Yilmaz sheegay in 2500 oo Askari ay tababareen yoolkooduna yahay 5000 oo Askari.

Askarta lagu tababaro Xerada TurkSom ee Muqdisho ayaa markii ay dhameystaan loo qaadaa Sparka oo Turkiga ah halkaas oo ay tababarro kale ku qaataan.

Danjire Yilmaz ayaa sidoo kale sheegay in 600 askari oo Boolis ah ay tababareen, 1000 kalena hadda qorshuhu yahay.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dal uu Turkiga ku riixayo caawinta Soomaaliya.

Mehmat Yilmaz ayaa dhinaca kale beeniyay in Ciidan Milatari ah uu Turkiga ka joogo Soomaaliya.

Back to top button