Somali News

Turkiga oo wadahadal la xiriirka Muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya u qabanaya labada dal.

Madaxweynaha Turkiga Rajab Deiyib Erdogan ayaa ka shaqeynaya kulan dhexmara dalalka Kenya iyo Soomaaliya oo la xiriira kiiska Badda ee labada dal u dhaxeeya.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga  Mevlüt Çavusoglu ayaa ku soo wajahan Magaalada Muqdisho billowga bisha soo socota,waxaana uu sidoo kale uu booqanayaa Nairobi.

Waxaa uu  Mevlüt Çavusoglu, ka shaqeynayaa sidii labada dal ay wadahadal ugu dhameysan lahaayeen muranka Badda ee yaalla ICJ.

Waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu kula kulmo Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday e Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo,waxaa uu sidoo kale la kulmayaa Uhuru Kenyatta.

Turkiga oo labada dal la leh xiriir aad u weyn ayaa isku dayaya in uu ka odayeeyo xiriirka labada dal ee maraya heerkii ugu liitay taariikhda casriga ah.

 

Back to top button