Somali News

Turkiga oo war ka soo saaray khilaafka doorashada Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa ka hadashay khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya ay u turaan shacabkooda kana shaqeeyaan danaha dadka.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada qabtaan shir dedeg ah oo ay heshiis uga gaarayaan khilaafka doorashada lana qabto doorasho aan dib u dhac lahayn.

Turkiga ayaa ku baaqay in soomaalida loo daayo arrimahooda iyagana ay go’aan ka gaaraan qabsoomidda doorasho loo dhanyahay.

Back to top button