Somali News

Ugaas Maxamed Wali oo Covid 19 ugu geeriyooday Muqdisho

Allaha u naxariistee waxaa xalay Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Ugaas Maxamed Wali, oo ka mid ahaa Nabaddoonnada caanka ah ee Soomaaliyeed.

Ugaas Maxamed Wali , ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu la xanuunsanayay Cudurka Covid19 kaas oo lala siixiyay Isbitaalka Martiini ee lagu daweeyo dadka uu Cudurkaasi haleelo.

Ugaaska ayaa xalay halkaas ugu geeriyooday Xanuunkaasi sida ay sheegeen Ehelkiisa oo la hadlay warbaahinta,waxaana uu ka mid noqday dadka Soomaaliyeed ee uu la tagay Covid19.

Xanuunka Covid19 ayaa u muuqda  mid soo laba kacleeyay iyada oo Wasaaradda Caafimaadka ay Bishii la soo dhaafay soo bandhigeysay kiisaska ka soo kordha Xanuunkan oo u badan Banaadir iyo Somaliland.

Back to top button