Somali News

Ugaas Xasan Ugaas Khalif oo ku geeriyooday Muqdisho

Allaha u naxariistee waxaa magaalada muqdisho ku geeriyooday Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ahaa Ugaaska Beesha Xawaadle.

Ugaas Xasan ayaa maalmahan ku sugnaa Magaalada Muqdisho isaga oo ku xanuunsanayay.

Inta badan Siyaasiyiinta dalka ayaa kabtacsiyeeyay geerida Ugaas Xasan oo ka mid ahaa Ugaasyada gobolka Hiiraan.

Ilaa hadda lama shaacin waxyaabaha sababay geeridiisa hayeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in uusababsaday Covid19.

Covid19 ayaa sanadkan billowga ah Muqdisho out dilay dad ka badan 50qof sida ay sheegtay wasaaradda Caafimaadka.

Back to top button