Somali News

Ugaasyada Beelaha Hirshabeelle oo gaaray Jowhar

Ugaasyada Beelaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle ayaa Ku laabtay maagaalada Jowhar.

Xubnaha galabta gaaray Jowhar waxaa horkacayay Imaam Maxamed Yusuf Cali, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo Ugaas C/raxmaan Ugaas C/llaahi.

Duubabka dhaqanka ayaa la kulmay Guddiga Farsamada ee soo xulista Baarlamaanka Labaad ee Hirshabelle, iyadoo maalmaha soo socota la bilaabi doono soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka billaabanaya xulidda Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle.

Waxaa kale oo Ku xiga xubanaha Golaha Shacabka iyo Aqalka sare Ku matalaya maamulkaas oo iyana lagu dooranaya Magaalada Jowhar.

Buuq ayaa ka taagan Jowhar kaas oo ka dhashay xilka Madaxweynaha oo loo wareejinayo beesha leh Madaxweyne Ku xigeenka.

dowladda Federaalka ah ayaa Magaalada geysay Ciidamada loo yaqaan Haramcad ee ah Booliska sida gaarka ah u tababaran.

Back to top button