Somali News

Uganda oo beenisay in ay dileen 189 ka mid ah Al-shabab

Dowladda Uganda ayaa beenisay in Ciidamadeeda jooga Soomaaliya ay dileen ku dhawaad laba boqol oo al shabaab ah.

Danjiraha Uganda ee Qaramada Midoobey Adonia Ayebare, ayaa sheegay in warkaasi uusan sax ahayn.

“waxaan la xiriiray Taliska UPDF qeybta AMISOM ee Soomaaliya,mana jiraan warka sheegaya in Ciidankeena ay dileen 189 Al shabaab ah, ma aqaan sababta aysan warbaahinta u dabagelin warkaas una xaqiijin” ayuu ku qoray bartiisa Twitterka.

Jimcihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxay warkan iyada oo lagu sheegay in dagaal ka dhacay Shabeellaha hoose ay Ciidamada Uganda ku dileen ku dhawaad 200 oo al shabaab ah.

Al shabaab dhankooda kama hadlin warkan taas oo run u ekeysiisay sheekada been abuurka ah ee warbaahinta la dhex mariyay.

Back to top button