Somali News

Uganda oo kumanaan Askari u soo dirtay Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa mar kale Ciidamo dheeraad ah oo ka mid noqonaya AMISOM u soo dirtay Soomaaliya,waxaana ay ku biirayaan Howlgalka AMISOM.

Ciidamadan oo ay tiradoodu gaareysoi ilaa 2416 Askari ayaa waxaa ay qeyb ka noqonayaan Holwgalka AMISOM ee ay qeybta ka tahay Uganda,waxaana ay buuxinayaan booska ay banneeyeen Ciidamo kale oo ka socday Uganda.

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda Jeneraal David Mahuuzi ayaa Ciidamadaas ka sagootiyay Saldhig Milatari oo ay Ciidamada Uganda ku leeyihiin gudaha dalkaas.

Waxaa uu Mr Mahuuzi kula dardaarmay Ciidamada loo soo diray Soomaaliya in ay dhowraan sharafta  Uganda ee ay ku matalayaan Waddankooda sidoo kalena ilaaliyaan xeerarka iyo dhaqanka AMISOM.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Lugta ee Uganda Sam Kavumu ayaa sheegay in Ciidamadan ku dhawaad sanad ay qaadanayeen tababar la xiriira howshooda islamarkaana ay ku kalsoonyihiin in ay gudan doonaan shaqada looga diray Soomaaliya.

Uganda waxa Soomaaliya ka jooga ilaa lix kun oo Askari kuwaas oo qeyb ka ah Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya oo billowday Bishii March ee sanadkii 2007dii.

Back to top button