Somali News

Ugu yaraan15 Soomaali ah oo lagu dilay Gobolka Siti

Inta la xaqiijiyay 13 qof ayaa dhimatay halka dad ka badan 20 ay ku dhaawacmeen dagaal u dhaxeeya Malleeshiuo Cafar ah iyo Ciidanka dowlad deegaanka soomaalida.

Dagaal ay soo qaadeen Maleeshiyo Mucaarad ah oo Canfar ah islamarkaasina taageero ka helaya hadhaagii TPLF ee dhuumashada ku jiray ayaa dhimasho iyo dhaawac ka gaystay Danley.

dagaalka  ka qarxay Danley ee Galbeedka Gobolka Sitti ayaa waxaa naftoodii ku waayay 13 qof, halka dhaawucuna yahay 20 ruux, taasi ayaa ah xogta aan ilaa hada ka helay Xafiiska Nabad-galyada ee DDS.

Dhimashada ayaa isugu jirta Ciidanka Booliska Gaarka ah ee DDS, 10 qof, halka dhaawucuna yahay 15, Maleeshiyada dhimashadu waa 2, dhaawucuna 5, Shacabka dhimashadu waa 1 qof.

Maleeshiyadan weerarka soo qaaday ayaa waxaa soo abaabulay firxadka haraagii TPLF ee dhuumashada duurka uugu jiray.

Back to top button