Somali News

Uhuru Kenyatta: “ma ogolin in dalkeena laga fuliyo duqeyn ka dhan ah Al-shabab”

Duqeyn

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ganafka Ku dhuftay war ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika oo ahaa in ay duqeyn ka dhan ah Al-shabab ka fulinayaan gudaha Dalka Kenya.

Mr Kenyatta oo wareysi siiyay TVga France24 ayaa sheegay in dalkiisu madaxbanaanyahay islamarkaana aan laga fulin karin duqeyn aanay iyagu ogolaan.

Uhuru oo Ku sugan Paris ayaa si can u diiday in dagaalka Al-shabaab uu Ku faafo gudaha dalkiisa.

Taliska Africom ayaa dhawaan codsi u diray Madaxweynaha Mareykanka kaas oo ay Ku dalbanayeen in loo ogolaan in ay Al shabaab Ku duqeeyaan gudaha Kenya.

Africom waxaa ay sheegtay in weerarkii bishii January ee sanadkan 2020 lagu qaaday saldhigga Manda Baby uu ahaa halis ay wajahayaan Ciidanka Mareykanka ee Ku sugan Kenya.

Wasaaradda Difaaca Mareykanka iyo Donald Trump ayaa laga sugayaa in ay saxiixaan ogolaanshaha weerarrada diyaaraaha Droneska ee gudaha Kenya.

 

Back to top button