Somali News

UK oo Ciidanka Kenya Saldhigyo uga dhiseysa Gedo

Wargeyska The Standard ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in dowladda Kenya ay 17 saldhig Ciidan ka sameysay sohdinta ay la wadaagto Soomaaliya.

Saldhigyadan ayaa lagu qalabeeyay Silig iyo Koneenarro aysan xabadda Karin kuwaas oo ay ku caawisay Dowladda UK.

17 Saldhig oo uu dhismahooda socdo ayaa waxaa laga hirgeliyay sohdinta labada dale e 700km ah taas oo ay Kenya ku dooneyso in ay uga hortagto weerarrada Al-shabaab.

Dowladda Kenya ayaa Muqdisho ku eedeysay in ay diidday la dagaallanka Al-shabaab sidaas darteedna ay xukuumadda Nairobi markan isku dayeyso in ay qorshe cusub uga hortagto Al-shabaab.

Kenya ayaa maamulka Jubaland ee ay taageerto ugu talagashay in uu noqdo aag ay ka difaacdo dalkeeda hayeeshee taas waxaa ay sababtay in xiriirka Kenya iyo Soomaaliya xumaado.

Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa Kenya ka taageera dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gudaha Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa Soomaaliya sharci darro ku soo galay sanadkii 2011kii markaas oo ay Al-shabaab kula dagaallameen Gobollada Jubooyinka sidaasna ku sameysmay maamulka Jubaland.

 

Back to top button