Somali News

Uk oo dalal ay dadkooda ka mamnuucday dalkeeda ku dartay Soomaaliya

Dowladda Ingiriiska ayaa soo rogtay xariyaad cusub oo dhinaca Socdaalka ah kuwaas oo saameynaya dadka u dhashay dalalka qaarkood.

Dalalka ay Dowladda UK dalkeeda u diidday waxaa ka mid ah Qadar,Cumaan iyo Soomaaliya,waxaana sidoo kale dadkaas laga mamnuucay in ay tagaan xuduudaha Waddanka UK.

Xayiraadahan ayaa qeyb ka ah dadaal ay Dowladda UK ku dooneyso xakameynta Cudurkan Covi19 loo bixiyay ee Adduunyada ku faafay.

Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha uu xilligan sida aadka ah uga jiro iyada oo 24saac kasta warbixinta Wasaaradda Caafimaadka lagu shaaciyo in ugu yaraan 10 qof u dhinteen.

Back to top button