Somali News

UK oo hantida ka xayirtay hoggaamiyayaal ka tirsal AL shabaab

Dowladda Ingiriiska ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay xayirtay hantida saddex ka mid ah hoggaamiyayaasha AL shabaab kuwaas oo dhawaan ay cunaqabateyn ku soo rogeen Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey.

Wasaaradda Maaliyadda Boqortooyada Ingiriiska ayaa xayiraad Hanti iyo cunaqabateyn maaliyadeed ku soo rogtay Hoggaamiye ku xigeenka  Al shabaab Abuukar Cali Aadan, Hoggaamiyaha AL shabaab qeybta Kenya Macalin Ayman, iyo Mahad Karatay oo ah sarkaal muddo dheer ka tirsan Al shabaab xilal kala duwanna ka soo qabtay haddana ah madaxa sirdoonka Al shabab.

Saddexda qof ee ay Dowladda UK xayiraadda ku soo rogtay ayaa ka dhigaya dadka Soomaalida ah ee ay Dowladda UK hantida ka xayirtay 18 qof iyada oo horay ay liiskan ugu jireen 15 qof oo Soomaali ah.

Dowladda UK ayaa ka digtay in akoonnada Bangiyada ee ay leeyihiin saddexdaas qof lala macaamilo iyada oo xustay in ciddii ay ku aragto iyada oo la macaamileysa ay tallaabo ka qaadeyso.

Back to top button