Somali News

UK oo ka hortimid in AMISOM ka baxdo Soomaaliya

Dowladda Ingiriiska ayaa soo bandhigtay mowqifkeeda Ku aaddan ka bixitaanka Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya.

Dowladda UK ayaa sheegtay in xilligan aysan suuragal ahayn in Ciidanka Amisom laga saaro Soomaaliya.

Julius Court oo ah sarkaal ka tirsan Dowladda Ingiriiska kana mid ah tabarayaasha Ciidamada ayaa sheegay in dowladdiisu ay si dhow ula socoto xaaladda Soomaaliya.

Mr Court ayaa sheegay in sanadka soo socda ee 2021 aysan suuragal ahayn in AMISOM isaga baxaan Soomaaliya.

Dowladda uu ka tirsanyahay ee Ingiriiska ayuu sheegay in ay ka walaacsantahay haddii tallaabada ka bixitaanka ah la qaado taas oo uu sheegay in ay mugdi gelin karto guulihii la gaaray.

Back to top button