Somali News

UK oo soo dhaweysay wadahadallada DF iyo Midowga musharrixiinta

Dowladda Ingiriiska ayaa bogaadisay dadaallada uu Ra’isalwasaaraha Soomaaliya wadahadalka kula furayo Midowga Musharrixiinta ee xalka loogu raadinayo doorashada Soomaaliya.

Dowladda UK ayaa soo dhoweysay dadaalada uu wado Ra’iisul Wasaare Rooble si loo dejiyo xiisadaha, loona helo waddo nabadeed oo Soomaaliya horay ugu socoto, waxaana loogu baaqay dhammaan dhinacyada kala duwan inay isu diyaariyaan tanaasul si loo helo hannaan doorasho loo dhan yahay iyo mid lagu kalsoonaan karo oo dib dhac la’aan ah.
James Duddridge; oo ah Wasiirka arrimaha Afrika ee Waddanka Ingiriiska ayaa Dolwadda Federaalka ah iyo dhinacyada kale ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan doorasho aan dib u dhac iyo daahid ialahayn.
Back to top button