Somali News

UK: “waqtiga wuu ka dhamaanayaa dowladda Soomaaliya waa in ay la heshiisaa mucaaradka doorashana qabataa”

Dowladda Ingiriiska ayaa ugu baaqday Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya in ay qabato doorasho islamarkaana ka hor doorashada ay heshiis la gaarto Mucaaradka dalka.

Ergeyga Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Qaramada Midoobey Barbara Woodward  oo Newyork kula kulantay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa u sheegtay in ay dowladda Ingiriiska si dhow ula socoto xaaladda Soomaaliya.

“Waqtiga waa uu ka dhamaanayaa Dowladda Federaalkka ah ee Soomaaliya waxaana dowladda Federaalka ah ka dalbaneynaa in ay la heshiiso xubnana Mucaaradka ah islamarkaana la qabto doorasho heshiis lagu yahay” ayey  tiri Barbara Woodward.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ku sugan Magaalada Newyork halkaas oo uu kulamo kula qaatay xubnaha Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey oo uu kala hadlay xaaladda Soomaaliya iyo sida ay u taageeri karaan.

Back to top button