Somali News

UNHCR iyo Koofur Afrika oo kala saxiixday heshiis la xiriira qaxootiga

Heshiiska Qalinka lagu duugay ayaa ah mid Quseeya dadka Magangelyo-doon ka ee wadanka jooga ee aan wali loo aqoonsan qaxootiga Sharciga Qaxootiga aan la siin,

Qiyaastii 185,000 Oo Qof Oo Magangelyo-doon ah oo dalal badan oo afrika iyo asia kamid ah ka yimid yaa tobanaan sano sugayay in go,aan laga gaaro joogista dalka dadkaasi waxaa kamid boqolaal soomaali ah oo Magangelyo-doon ah kuwaasi oo sanado badan sugayay in qaxootinimo loo aqoonsado/sharciga qaxootiga iyo waxyaabaha ay xaqa u leeyihiin u helaan

Hishka ay gaareen wasaarada arimaha gudaha iyo hay’adda Qaxootiga aduunka ayaa Waxaa la rajaynayaa in uu dhaqan galo iyadoo dadka magangalyo-doonka ahne sida uga dhaqsiyaha ahne dib u eegis loogu sameeyn doono kiisaskooda  Codsiyadooda

Waaxda Arimaha Gudaha ayaa sheegtay inay si dhab ah u qaadaneyso masuuliyadeeda gudaha iyo tan caalamiga ah ee ku aadan magangalyo-doonka iyo qaxootiga

Wasiir Aaron Motsoaledi “Qofkasta oo dalka South Africa soo gala waxaa ilaaliya Dastuurkeena iyo Sharciga Xuquuqda aadanaha

Si kastaba kumanaan qof oo ay sharciyada qaxootiga ka dhaceen ayaa isha ku haya xiliga la furayo Home Affairs-ka oo mudo sanad iyo maalimo ah u xiran Covid -19 hasa ahaate wasaaarada arimaha Gudaha gaar ahaan waaxda qaabilsan Qaxootiga ayaa Go’aanka furista home affairska ku dhawaaqi doonto xili ay go’aamiso Dowlada

 

Back to top button