Somali News

UNHCR oo ka hadashay go’aanka ay Kenya ku xireyso Dhadhaab iyo Kaakuma

Hay’adda Qaramada midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa war ka soo saartay go’aan ay Dowladda Kenua soo saartay shalay oo lagu xirayo xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma.

Afhayeen h hadlay UNHCR ayaa sheegay in ay wadaxaajood kula jiraan Kenya kalana hadlayaan arrinkaasi degdegga ah.

Afhayeenka ayaa sheegay in UNHCR ay ka walaacsantahay go’aanka waqtiga kooban ah ee ay qabatay dowladda Kenya xilli lagu jiro faafitaanka Covid19.

Dowladda iyo Shacabka Kenya ayey sheegtay UNHCR in ay taageereyso sidoo kalena sii soconayaan wadaxaajoodka looga baaqsanayo dhibaatada ka dhalan karta xiritaanka Dhadhaab iyo Kaakuma.

Kenya ayaa shalay 14 maalmood u qabatay in lagu xiro xeryahaas oo ay degganyihiin kumanaan Soomaali ah.

Back to top button