Somali News

Urur Goboleedka IGAD oo maanta dhegeysanaya dacwaddii ay Soomaaliya ka gudbisay Kenya

Dalka Jabuuti waxaa uu maanta shir deg deg ah uga furmayaa urur Goboleedk IGAD ee Bariga Afrika

Shirka deg degga ah ee ay maanta yeelanayaan madaxda IGAD ayaa waxaa ajendayaashiisa ka mid ah dhegeysiga Dacwad ay Soomaaliya ka gudbisay Kenya iyo xaaladda gobolka Tigrey ee dhawaan uu ka dhacay dagaalka.

Madaxda Waddamada Suudaan, Itoobiya, Jabuuti oo marti gelineysa, Soomaaliya, Kenya iyo kuwo kale ayaa ka qeybgelaya shirka maanta.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka qeybgalaya shirkaasi iyada oo aan la ogeyn in Uhuru Kenyatta uu ka qeybgalayo iyo in kale.

 

Back to top button