Maqal & MuuqaalSomali News

VIDEO: Ra’iisal wasaare Kheyre oo kormeer ku tegay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta  kormeer ku tegay Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho oo ka mid ah Ilaha Dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa kormeeray Goobaha Shaqooyinka Garoonka ay ka socdaan sida qeybta ay ka dhoofaan dadka aada Gobolada dalka, qeybta dadka u dhoofaya dibadda iyo xafiiska Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ay ku leedahay garoonka, wuxuuna dhex gala dadweynihii dhoofayey oo uu la sheekeystay.

Maareyaha Garoonka Cabdi Ashkir oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in u jeedka kormeerka ee Ra’iisul Wasaaraha uu ahaa in uu xog-wareysi la yeesho dadka loogu adeegayo Garoonka iyo in ay caqabado la kulmaan xilliyada Shaqooyinka loo qabanayo.

Tags
Close
Close